Home / Latest News / Ciyaaraha Olympic-kada oo ka furmay Dalka Brazil

Ciyaaraha Olympic-kada oo ka furmay Dalka Brazil

Ciyaaraha Olympic-kada ee lagu qabanayo sanadkan caasimada Brazil ee Rio ayaa xalay si rasmi ah u furmay. Waxaa garoonka ciyaaraha lagu qabanayo ka dhacday xaflad aad uu weeyn oo kooxaha wadamada caalamka ka kala yimid ee ku tartamayo goobta soo xaadiray ayaga oo calamadooda wata.

Waxaa sanadkan ka qeyb qaadanaaya 207 koox oo ka kala socda wadamo kala duwan.

Qoxootiga

Waxaa 207 koox ee ka qayb galaya ciyaaraha ka mid ah 10 ciyaartooy oo ayaga mataleya qoxootiyada caalamka. Waxaa kooxdan loogu magac daray kooxda qoxootiga Olympic-kada. Waxay hoos imanayaan gudiga Ciyaaraha ayaga oo ka heli doona caawimaad xaga farsamada, caafimaadka iyo taageero kaleba iyo gudi kale oo qibrad wanaagsan leh. Waxaa sidoo kale kooxdan la socda tababarayaal qibrad leh.

 

Caalamka waxaa ku nool 65 Milyan oo qoxooti ah, kuwaas oo aanan helin fursadaha kala duwan ee dadka ku nool wadamada nabada ay helaan.

Kooxaha

Dhanka kale kooxaha bariga Africa ka socda waxaa ka mid ah kooxda Kenya, Somalia, Ethiopia iyo Djibouti iyo wadamo kale.

Kenya

Kenya waxaa hogaaminayaay orodyahanada kala ah, David Rudisha, Asbel Kiprop, Ezekiel Kemboi, Nicholas Bett, Julius Yego, Vivian Cheruiyot iyo Hyvin Kiyeng.

olympics

Garoonka Ciyaaraha Lagu Qabanaayo, sawirka: Getty Images

 

Soomaaliya

Soomaaliya waxaa sanadkan uga qeyb galaya ciyaaraha Labo orodyahan oo kaliya oo kala ah Maxamad Daud, oo 20 sano jir ah, waxaana uu Maxamad ka qeyb qaadan doona orodka 5,000 oo meter, halka Maryan Nuux oo ah 19 jir ay ka qeyb qaadaneeso 400 meter.

Maryan ma’ahan markii ugu horeesay ay ka qeyb qaadato ciyaaraha caalamka ayada oo mataleeysa dalka Soomaaliya.Maryan waxaa ee sanadkii 2014 ka qeyb gashay tartan caalamka ee dhalinyarada ee lagu magaacabo Youth Olympic Games ee lagu qabtay wadanka Shiinaha. Soomaaliya ayaa ka qeeyb qaadatay 11 tartan Olympic lakiin wali wax guul ah kama aysan gaarin. Maryan ayaa calanka usiday Somalia sanadkan.

About admin

Check Also

uhuru and joho 12

Dowlada oo Baaraysa Xisaabaadka Bangi ee Gubernatoore Hassan Joho

Gubornatooraha kawntiga Mombasa Hassan Joho ayaa lagu wargaliyay in lacagta u taala bankiga dabagal iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *