Home / Keydka Sawirada / Dagaalo ka dhacay Gobolka Bakool oo 15 qof ku dhinteen..

Dagaalo ka dhacay Gobolka Bakool oo 15 qof ku dhinteen..

Illaa 15 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaaladan ayaa ka dhacay deegaanka Moora-Gaabey oo hoos-tagta degmada Xudur oo ah xarunta Gobolka Bakool, iyadoo khasaaraha uu u badnaa dhinacyadii dagaalamayay.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka dhimatay 8 askari, halka Al-Shabaab ka dileen 10 kale, ayna ka furteen hub.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay wadaan howl gallo la isugu furayo deegaanada Gobolka Bakool, isla markaana ay Al-Shabaab ka saarayaan deegaanada ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha degmada Xudur ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo maamulka koofur galbeed inay ku gacan siiyaan dagaalka ay ku jiraan oo ay ku xoreynayaan deegaanada gobolka.

About admin

Check Also

Gubernatooraha Mandera oo uga mahadceliyay shacabka kowntiga soo dhoweyntii Madaxweyne ku xigeenka

  Gubernatooraha Mandera oo uga mahadceliyay shacabka kowntiga soo dhoweyntii Madaxweyne ku xigeenka Hogaamiyaha kowntiga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *