Home / Keydka Sawirada / Haweenay Sarkaalad ahayd oo Isku Dishay Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi..

Haweenay Sarkaalad ahayd oo Isku Dishay Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi..

Haweenay sarkaalad boliiska garoonka Jomo Kenyatta ka tirsanayd ayaa saka isku dishay goobta shaqda garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Askariyaddani ayaa madaxa iskaga toogatay qeybta musqusha garoonka saaka saacadda markay ahayd 7subaxnimo sida uu tilmamayo ku xigeenka taliyaha booliska qeybta garoonka, Rono Bunei.

Haweenaydani ayaa ku maqnayd fasax inkastoo manta ay  shaqadeedii dib  ugu soo labaday ayadoo saxiibaded umujisay inaysan qabin wax walwal ah sida uu tilmaamay MR Bunei.

Wuxuu sheegay inay maqleen dhawaqa rasaasta ay isku toogaday markii ay tageen musqushana ay ku arkeen maydka askariyada oo gacanta ku haysay bistooladii ay isku dishay.

Sarkalkan ayaa tilmamay in askariyatani oo sido kale aheyd hooyo haysta hal cunug maydkeda la dhigay halka maydadka la dhigo City Mortuary.

Falkan istilka ayaa imanaya xili saddex todobaad ay ka soo wareegaty markii askari ka tirsanaa booliska waaxda wadooyinka uu isku dilay magaalada Kisumu .

 

About admin

Check Also

uhuru and joho 12

Dowlada oo Baaraysa Xisaabaadka Bangi ee Gubernatoore Hassan Joho

Gubornatooraha kawntiga Mombasa Hassan Joho ayaa lagu wargaliyay in lacagta u taala bankiga dabagal iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *