Home / Keydka Sawirada / Malayshiyadda Shiicadda Ciraaq oo Lagu Eedeeyay inay Xasuuqeen Muslimiin Suniyiin ah..

Malayshiyadda Shiicadda Ciraaq oo Lagu Eedeeyay inay Xasuuqeen Muslimiin Suniyiin ah..

Malayshiyaadka shiicadda ee dalka Ciraaq ayaa lagu eedeeyay inay xasuuqeen in ka badan 700 oo Muslimiin Suni ah, ayna  xarig, jirdil iyo dhibaatooyin kale oo ka dhan ah xaquuqda aadanaha ay u gaysteen dad badan oo shacab Muslim Suni ah.

Intii uu socday dagaalkii ay Maraykanku taageerayeen ee ay ciidanka Ciraaq kula wareegeen magalaada Fallujah bishii June ee sanadkan ayay malayshiyaadkaasi ku gaysteen xadgudubyadaasi ka dhanka ah xaquuqda aadanaha.

In ka badan 700 oo kale oo isugu jiray rag waawayn iyo wiilal aan qaan gaarin ayaa wali lagu la,yahay mudo laba bilood ah kadib markii ISIS laga saaray Magaaladaasi sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Hay’adaha xaquuqda aadanuhuna waxay sheegayaan in dadkaasi toogasho, garaacid iyo xadgudubyo kale lagu dilay isla markaasina la dhacay guryahooda iyadoo in badan oo kamid ahna madaxa laga gooyay.

 

About admin

Check Also

gachagua

Gubernatooraha Nyeri Oo Ku Geeriyooda London

Gubernatooraha Nyeri Nderitu Gachagua ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Royal Marsden Hospital ee London,xili lagu dabiibayay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *