Home / Somali Language / Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo ka hadashay Guul daradeedii Tartanka Gudoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo ka hadashay Guul daradeedii Tartanka Gudoomiyaha Midowga Afrika

Aamina Mohamed,wasiirka arimaha dibada Kenya ayaa ka hadashay guul daradii kasoo wajahday tartanka gudoomiyaha midowga Afrika (AU) ee ka dhacday Adis Ababa caasimada dalka Ethopia.

Wasiirka arimaha dibada Chad Mahamati Faki ayaa kaga guulaystay tartanka wareegii ugu dambeeyay.

Aamina ayaa khiyaano ku tilmaantay dalalka uga baxay balan qaadkii in ay u codeynayaan,gaar ahaan dalalka bariga afrika.

Wasiirada ayaa sheegtay in ay yihiin iyagu dad daacad ah,aysana garanayn sida lagu aamini karo kuwa khiyaamay.

Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamanka Aden Duale ayaa ka dhawaajiyay in dalal bariga afrika ah ay uga baxeen balanta,waxaa uu kasoo qaatay Djabouti oo uu sheegay in ay lahaayeen garawshiiyo maadaama ay hanteen booska labaad ee hogaaminta ururka.

Kenya ayaa ku rajo weynayd Aamina Mohamed in ay ku guulaysan karto tartanka,maadaama ay olole xoogan u gashay hanashada kursigaasi.

Wadamada afka faransiiska ku hadla ayaa si weyn u doonayay in Mahamati oo 56 jir ah uu jagadaasi ku guulaysto.

About admin

Check Also

ISIOLO 2

Isiolo : Ms Dhulo oo Rajo ka qabta inay ku guulaysato Kursiga Senate-ka Kowntiga

Senatora-da lasoo magaacabay Fatumo Dhulo ayaa ka digaysa Raga ay la tartamayso inay adeegsadaan olole …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *