Home / Somali Language / Wasiirka Waxbarashada Oo Digniin U diray Maamulka Waxbarashada Kowntiyada

Wasiirka Waxbarashada Oo Digniin U diray Maamulka Waxbarashada Kowntiyada

Wasiirka waxbarashada Fred Matiang’I ayaa u digay agaasimayaasha waxbarashada kowntiyada ee ku guul daraysta in ay soo qabtaan maamulayaasha u hogaansami waayay amarka lacag bixinta ee wasaaradu ay samaysay.

Wasiirka ayaa sheegay maamulka waxbarashada kowntiyada in ay ku guul daraysteen in ay ku cadaadiyaan maamulayaasha raacitaanka nidaamka  qaadida lacagta waxbarashada (Fee) ee iskuulada.

Iskuulada sare ayaa wasiirku si gaar ah uu carabka ugu adkeeyay in arintan ay ka jirto.

Wasiirka oo ka hadlayay iskuulka St Peter’s Gathuthuini Secondary School oo ku yaala Kirinyaga ayaa sheegay waalidiintu in ay ooyayaan,meel walbana lacago looga qaadayo,ayna arintan isaga aamusan yihiin agaasimayaashii waxbarashada kowntiyada.

Mr Matiang’I ayaa xusay in uu booqanayo iskuulaadka guud ahaan dalka si uu usoo hubiyo in nidaamkii lacag bixinta ee ay dajiyeen uu yahay mid sidiisii loo raacay ama inkale.

About admin

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *