Home / Somali Language / Ipsos : Kenyan-ka Oo Doonaya Kordhinta Macalimiinta

Ipsos : Kenyan-ka Oo Doonaya Kordhinta Macalimiinta

Dowlada ayaa dadaal ugu jirta sidii ay koronto ugu heli lahayd iskuulada hoose,ardayduna u wada yeelan lahaayeen kombiyuutarada yaryar ee tablet-ka loo yaqaan.

Baadhitaan ay samaysay Ipsos ayay ku ogaatay in Kenyan-ku aanay xiiso weyn u haynin dadaalka dowladu wado oo ay ka jeclaan lahaayeen macalimiinta oo la kordhiyo.

Kenyan-ka ayaa danaynaya qoritaanka macalimiin badan,iibinta buugaagta waxbarashada iyo xaqiijinta goobaha waxbarashada.

Ipsos ayaa ra’yi ururinta ku ogaatay in 1% ay danaynayaan tablet-yada.Boqolkiiba 43 ayaa sheegay in macalimiinta wanaagsan ay dawo u yihiin qaybta waxbarashada dalka.

Sida laga soo xiganayo ururka midowga qaran ee macalimiinta (Knut) waxaa dalka haysta macalimiin yari oo ilaa 83,000 ah.

Tirada dadka Kenyan-ka ah ee danaynaya kordhinta buugaagta waxbarashada ayaa ah 20%,halka 12% ay ka doonayaan dowlada in goobaha waxbarashada oo fasaladu ay kamid yihiin la hagaajiyo.

Gobolka Waqooyi bari ayaa meelaha ugu badan ee macalimiinta laga dalbaday,iyadoo gobolkaasi ay sanadihii u dambaysay soo wajahday macalimiin yari ka dhalatay amaanka gobolkaasi.

About admin

Check Also

deadpic

Labo Qof oo ku dhintay Dagaalo kasoo cusboonaaday Baragoi

Ilaa Labo qof ayaa ku dhintay Baragoi,kadib markii uu dagaal cusub dhexmaray bulshooyinka Turkana iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *