Home / Somali Language / Mudavadi Oo Ku Kalsoon Doorashada Uu Kaga Guulaysan Karo Uhuru Kenyatta

Mudavadi Oo Ku Kalsoon Doorashada Uu Kaga Guulaysan Karo Uhuru Kenyatta

Madaxa xisbiga mucaaradka ee Amani National Congress Musalia Mudavadi ayaa ku adkeystay in uu heysto fursad wanaagsan ee doorashada soo socoto oo uga adkaan karo madaxweeynaha xilka haya ee Uhuru Kenyata doorashada dhici doonto bisha sadeedaad ee sanadkan.mudavadi aya waxa uu ka dalbadey

Saaxiibada ay kawada tirsan yihin isbaheeysiga xoogan ee qaran National Super Alliance in ay u tanaasolaan isla mar ahaantaasina taageeraan rabitaankiisa ee calan u sidida xisbiga mucaaradka.

Mudavadi aya xusay in taageero xoogan uu ka heysto qowmiyidiisa oo uu ku tilmaamay in ay leeyihin awood mideysan dhanka cod bixinta. isaga oo hadalka sii wato aya waxa uu soo hadal qaadey khilaaf mar soo dhex galey

Isaga iyo qaar kamid ah hogaamiyaasha ay iskun beesha yihin mar loo magacaabey in uu noqdo afhayeenka beshiisa ayaa sheegay arinkaasi in xal laga gaarey ayna midoobeen.

Siyaasiyiinta uga cadcad ee xisbiga mucaaradka ayaa dhamaantooda u hanqal taagaaya in loo doorta xilka madaxtinimo ee dalka balse weli ma cada isbahaysiga mucaaradka ruuxa ay usoo xulani doonan in doorashaha kula loolamo madaxweeynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta.

About admin

Check Also

gachagua

Gubernatooraha Nyeri Oo Ku Geeriyooda London

Gubernatooraha Nyeri Nderitu Gachagua ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Royal Marsden Hospital ee London,xili lagu dabiibayay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *