Home / Somali Language / Wadahadalo Cusub oo Dhex maraya Dowlada iyo Dhakhaatiirta

Wadahadalo Cusub oo Dhex maraya Dowlada iyo Dhakhaatiirta

Waji cusub oo wadahadalada dowlada iyo dhakhaatiirta ayaa bilaabanaya maalinka beri ah oo Arbaca ku beegan,Sida ay todobaadkii aynu soo dhaafnay amartay maxkamada shaqaalaha.

Wadahadalada ayaa waxaa dhex dhexaadinaya Cotu iyo KNHCR.

Ku xigeenka KNHCR George Morara ayaa sheegay in ay la kulmeen KMPDU iyo wasaarada caafimaadka ayna isku waafaqeen xaalada wadahadalka labada dhinac.

Mr Morara ayaa xusay Arbacada in wadahadalka ay bilaabayaan,maalinka Isniinta ahna ay soo dhamayn doonaan.

Dhinacyada wadahadlaya ayaa haysta ilaa Isniinta todobaadka soo socda,waxaana hadii uu wadahadalku guul daraysto ay wajahayaaan madaxda KMPDU xabsi 30 maalmood ah.

Gudoomiyaha golaha gubernatoorayaasha Peter Munta ayaa sheegay in madaxa fulinta golohooda ay ku matalayso wadahadalada.

Munya ayaa ka codsaday dhakhaatiirta in ay dib u qiimeeyaan dalabkooda,aysana kowntiyada bixin karin mushaharka badan ee ay doonayaan.

Maalinkii 65-aad ayay gashay shaqa joojinta dhakhaatiirta ay sameeyeen,ma jirto ilaa iyo hada xal rasmi ah oo laga gaaray dalabkooda.

Midowga dhakhaatiirta ayaa horay u diiday dalab uu madaxweyne Uhuru ugu soo bandhigay 40% in mushaharaadka loo kordhiyo oo ay dib shaqada ugu laabtaan.

 

About admin

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *