Home / Somali Language / FGM Oo Dhibaato Ku Haya Hooyada iyo Dhalaanka

FGM Oo Dhibaato Ku Haya Hooyada iyo Dhalaanka

Kowntiyada laga adeegsado gudniinka FGM ayaa ugu badan tirada dhimashada dhalaanka iyo hooyada.

Xooghayaha joogtada ee wasaarada arimaha jinsiga Zeinab Hussein ayaa sheegtay tirakoob in uu muujiyay FGM in uu keeni karo dhimasho.

Zeinab ayaa sheegtay Waqooyi Bari in ay ku hogaaminayso FGM 79%,guud ahaana dalka ay ka tahay 21%.

Xooghayaha ayaa xustay haweenka tarankooda la jarjaray oo kali ah in ay fahmayaan dhibaatada ay ka maraan dhalitaanka.

Hadalkan ayay ka sheegtay Sankuru oo ku taala Garissa xili ay ku xusaysay maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta FGM (International Day of Zero Tolerance for FGM).

Xooghayaha ayaa xustay in gudniinkan la adeegsanayay wakhti hore oo aysan ahayn mid ku salaysan diin oo ay tahay dhaqan u baahan in su’aal layska weydiiyo lagana kaaftoomo.

Zainab ayaa tilmaantay dhibaatada caafimaad ee gudniinkan leeyahay,waxaana ay ka codsatay bulshadu in ay ka fogaato gudniinkan adeegsigiisa

About admin

Check Also

gachagua

Gubernatooraha Nyeri Oo Ku Geeriyooda London

Gubernatooraha Nyeri Nderitu Gachagua ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Royal Marsden Hospital ee London,xili lagu dabiibayay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *