Home / Somali Language / IEBC Oo Ka Warbixisay Diiwaan galinta Cod Bixiyayaasha

IEBC Oo Ka Warbixisay Diiwaan galinta Cod Bixiyayaasha

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha (IEBC) ayaa diiwaan galiyay 2,164,185 qof oo cod bixiyayaal cusub ah todobaadkii saddexaad oo ay diiwaan galintu ay socoto.waxaana tiigsashada diiwaankooda ay ka matashaa 50.54%.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay fiidnimadii xalay Nairobi,gudoomiyaha IEBC Wafula Chebku ayaa sheegay in aysan jirin maalin dheeri ah oo Kenyan-ka looga dalbanayo in ay isugu soo baxaan tiro badan todobaadkan gudihiisa.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay bilaabayaan diiwaan galinta Kenyan-ka ku nool qurbaha sida ugu dhakhsiiyaha badan marka ay soo dhamaato shaqada diiwaanka ee hada socota.

Dalalka qurba joogta ay ku sugan yihiin ee la beegsanayo waxaa kamid ah Uganda,Tanzania,Rwanda,Burundi iyo Koonfur Afrika.

Diiwaan galinta maxaabiixsta ayaa socon doonta 20-ka bishan ilaa 28,iyada oo ay ka qayb galayaan ilaa 118 xabsi oo guud ahaan dalka,waxaana loo ogolaan doonaa oo kali ah in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada madaxweynaha ee bisha August sanadkan.

Arimaha la xiriira tirada kaararka aqoonsiga ee la wadaagay ayaa gudoomiyuhu sheegay in ay aqbaleen magacyada 50,174 magac oo ah kuwa sax ah,ayna weli u harsan tahay  xaqiijinta 78,752.

 

About admin

Check Also

UK

Uhuru iyo Ruto oo ku wajahan kowntiga Busia

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maanta gaynaya ololaha xisbiga Jubilee kowntiga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *