Home / Somali Language / Laanta Knut ee Mandera Oo Ku Baaqday Taageerada Macalimiinta Aan Deegaanka U Dhalan

Laanta Knut ee Mandera Oo Ku Baaqday Taageerada Macalimiinta Aan Deegaanka U Dhalan

Ururka midowga macalimiinta qaran ee Kenya (Knut) laantiisa Mandera ayaa ku celisay in ay difaacayaan macalimiinta aan deegaanka ku ahayn kowntiga Mandera.

Xooghayaha Knut ee kowntiga Mandera Mohamed Kulow ayaa sheegay macalimiinta aan deegaanka ahayn in ay soo wajahday caqabado badan oo dhalisay in ay ka soocmaan dadka deeganka.

Kulow ayaa intaa ku daray maamulayaasha iskuulada in ay qaybtood dhibaan macalimiinta aan deegaanka kasoo jeedin.

Xooghayaha ayaa xusay in ay diyaar u yihiin arimahaasi in ay la dagaalamaan.

Arimaha amni xumida ayaa Kulow sheegay in ay tahay arin jirta,waxaana uu ka codsaday dadka deegaanka in ay difaacaan macalimiinta.

Mandera ayaa horay macalimiin badan oo aan deegaanka ahayn ay isaga carareen,kadib weeraro ay kala kulmeen Alshabaab.

About admin

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *