Home / Somali Language / Booliska oo Xiray Dad ay kusoo qabteen Howlgal la dagaalanka Daroogada

Booliska oo Xiray Dad ay kusoo qabteen Howlgal la dagaalanka Daroogada

Booliska ayaa xiray 5 qof oo ay ku tuhmayaan ka ganacsiga daraagiska,iyaga oo sheegay in ay kula soo qabteen 17 kilogrammes oo ah heroin iyo lacag Sh18 million oo lacag kaash ah.

Shanta qof ee lasoo qabtay ayaa waxaa ku jira gabar ardayad ah oo barata sharciga.

Howlgalka ayaa ka dhacay kowntiyada Mombasa iyo Kilifi.

Gabadha ardayada ah ayaa lala xiriirinayaa in ay saaxiib la ahayd mid kamid ah Labo u dhashay Sychelles oo la tarxiilay Sabtidii.

Isku duwaha gobolka Xeebta Nelson Marwa ayaa ka sheegay saldhiga Bamburi in labada tuhmane ay kusoo qabteen 2 kilogrammes oo heroin ah,iyada oo tuhmayanayaasha kalana lagu qabtay 15 kilos oo daraagis ah oo ay ku qarinayeen guri ku yaala Bamburi.

Marwa ayaa intaa ku daray Afar gaari oo looga shakisan yahay in ay lahaayeen tuhmanayaasha ay gacanta ku hayaan oo ay ku samaynayaan baaritaano dheeri ah.

Sabtidii ayaa dalkooda lagu celiyay Nedy Micock oo 42 jir ah iyo Vivian Domingue oo 32 jir ah,kadib markii laga soo qabtay guri ku yaala Nyali habeenimadii Jimcada.

About admin

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *