Home / Somali Language / Dhimasho Ka Dhalatay Dad Cunay Geel Dhintay

Dhimasho Ka Dhalatay Dad Cunay Geel Dhintay

Dad gaaraya ilaa 115 qof ayaa cisbitaalka la jiifiyay kadib markii uu soo ritay xanuun ay ka qaadeen neef geel bakhtiyay oo ay cuneen.

Gabar 14 jir ah ayaa u dhimatay cunitaanka neefka dhintay,iyada oo naftu ay ka baxday intii cisbitaalka loo soo waday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in macaluul ka dhalatay abaarta jirta ay sababtay dadku in ay cunaan neefka geela ee bakhtiyay.

Dhibanayaasha ayaa la tilmaamay in aysan muddo todobaad ah helin wax ay cunaan.

Weli lama oga waxa dIlay neefka geela,waxaase la qiyaasayaa in ay tahay macaluusha deegaanka ka jirta.

Dhamaan dhibanayaasha ayaa la dhigay xarunta caafimaadka Akwichatis oo ka tirsan Tiaty oo kowntiga Baringo ah.

Tiaty ayaa kamid ah meelaha sida xun ay ugu dhufatay abaarta ee Waqooyiga Rift.

About admin

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *