Home / Somali Language / Edeeysanayaal lagu qabtay qalabka diiwaan galinta oo la horkeenay maxkamada Milimani

Edeeysanayaal lagu qabtay qalabka diiwaan galinta oo la horkeenay maxkamada Milimani

Saddex eedeeysanayaal ah oo kasoo jeeda kawntiga Mandera ayaa shalay kasoo hor muuqday maxkamada Milimani.

Dacwadaha lagu soo oogay ayaa waxaa kamid ah in ay si sharci dara ah ku heysteen qalabka waxa lagu diwaan giliyo ,warqadaha cod wareejinta iyo warqadaha diwaan giliinta oo ay leeyihiin Gudiga madaxa banana ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka (IEBC).

Ibrahim Ahmed Haji ,Mohamed Ahmed Kanyere iyo Nurdin Ahmed Kanyere oo ku eedeeysana in ay sameyneyeen diwaan giliin sharci daro ah ayagoon fasax ka heeysan gudiga doorashada iyo xuduudaha dalka ayaa waxa ay iska fogeeyeen dhamaan eedeeymaha loo soo jeediyey .

Nichlosa Sumba oo ah qareenka u doodaayay saddexda nin ee maxkmada la horkeenay maalnimadi shalay ayaa maxkamada kahor sheegay in arintan ay tahay mid siyaasadeed kana dambeeyaan siyasiyiinta kawntiga Mandera ku loolomaya doorashooyinka. Qareenka ayaa raja ka muujiyay in xaqiiqda ay soo ifbixi doonto.

Saddexdan eedeeysane ayaa laga soo qabtay hotel ku yeela xafada Islii ee magaalada Nairob oo lagu magacaabo Maslah Guest House taarikhda markii ay aheyd 11-kii bishan February .

Mohamed iyo Nurdin ayaa maxkamada midkiiba ay  ku sii deeysay lacag gaareeysa 200,000 kun  .

Dhageeysiga labaad ayaa loo loo balansan yahay 23 bishan February.

About admin

Check Also

deadpic

Labo Qof oo ku dhintay Dagaalo kasoo cusboonaaday Baragoi

Ilaa Labo qof ayaa ku dhintay Baragoi,kadib markii uu dagaal cusub dhexmaray bulshooyinka Turkana iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *