Home / Somali Language / Hal Qof oo ku dhintay Dagaal dhex maray Beeralayda Meru iyo Xoolo raacatada Borana

Hal Qof oo ku dhintay Dagaal dhex maray Beeralayda Meru iyo Xoolo raacatada Borana

Hal qof ayaa ku dhintay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib isku dhac dhex maray beeralay kasoo jeeda Meru iyo xoolo dhaqato ka tirsan Borana , subaxnimadii Axada.

Xoolo raacatada iyo xoolahooda ayaa si khasab ah ku galay beeraha ku yaal Kieni Kia Ndege oo ku dherersan xadka Meru iyo Isiolo.

Dadka deegaanka ayaa isaga cararay aagaasi,iyada oo lafdhabar ay u tahay weerarada ay gaystaan burcada lo’da dhacda.

Bulshooyinka Samburu,Meru,Borana iyo Turkana ayaa ku wada nool aagaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Alex Mwiti ayaa dib u dhaca ciidamada amaanka ku eedeeyay weerarka ay dhimashada iyo dhaawacu ka dhashay in ay sabab u ahaayeen,maadaama aysan si deg deg ah uga soo jawaabin isku dhacaasi.

Gudoomiyaha amaanka Meru Wilfred Nyagwanga ayaa sheegay in ay ciidamo geeyeen goobta uu dagaalku ka dhacay,hadana ay diyaar u yihiin in ay soo xiraan dambiilayaasha.

Nyagwanga ayaa u sababeeyay isku dhacyada in ay ka dhalatay daaqa iyo waraabka oo gabaabsi ah,haatana ay isku dayayaan in kooxaha la kala sooco,xalna loo helo rabshadaha.

About admin

Check Also

UK

Uhuru iyo Ruto oo ku wajahan kowntiga Busia

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maanta gaynaya ololaha xisbiga Jubilee kowntiga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *