Home / Somali Language / Shil uu galay Baabuurka Xildhibaanka Moyale oo Sababay Dhimashada Saddex Qof

Shil uu galay Baabuurka Xildhibaanka Moyale oo Sababay Dhimashada Saddex Qof

Saddex qof ayaa dhintay habeenimadii Axada kadib markii uu gaariga xildhibaanka Moyale Roba Duba ku dhacay Mooto , habeenimadii Axada.

Shilka ayaa ka dhacay Kiganjo,Nyeri gaar ahaan wadada ku dhereran Nanyuki ilaa Nairobi.

Saddexda qof ee dhintay ayaa saarnaa mootada,iyadoo labo kamid ah ay isla goobta ku dhinteen.

Darawalka mootada ayaa ku dhintay Tumutumu Mission Hospital,kadib markii uu dhaawac halis ah kasoo gaaray shilkaasi.

Taliyaha taraafikada ee gobolka bartamaha Jane Kuria ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanada shilkaasi.

Xildhibaanka ayaa lagu qaaday gaari kale,iyadoo gaarigiisii iyo mootada la dhigay saldhiga Nyeri Central Police.

Ma jirto waxyeelo kasoo gaartay shilkaasi xildhibaanka,darawalkiisa iyo labo ilaalo ah oo la socday.

About admin

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *