Home / Somali Language / Senator-ka Mombasa Oo Meesha Ka Saaray Magacaabitaanada Wadajirka ee NASA

Senator-ka Mombasa Oo Meesha Ka Saaray Magacaabitaanada Wadajirka ee NASA

Xisbiga dimuqraadiga ee Wiper ayaa sheegay in aysan ku dhaqmi doonin magacaabitaanada wadajirka ee ay la yeelanayaan isbahaysiga weyn ee qaran NASA.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Mombasa,xooghayaha guud ee xisbiga Wiper Hassan Omar ayuu sheegay xisbogooda in uu hogaamiyo Kalonzo Musyoka,uusana weligiis heshiis kala galin ODM,ANC iyo Ford Kenya in ay wadayeeshaan magacaabitaano wadajir ah,iyaga oo wada matalaya NASA.

Mr Omar oo isagu musharax u ah gubernatooranimada Mombasa ayaa meesha ka saaray suurta galnimada in isbahaysiga ay isugu tanaasulaan magacaabitaanada wadajirka ee Mombasa iyo guud ahaan gobolka xeebta.

UP SOUND

Xooghayaha Wiper ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay wakhti ku darayaan xiliga kama dambaysata ee ay xubnaha isku diiwaan galinaya xisbigooda,ayna gaarsiiyeen maalinka Sabtida ee todobaadka soo socda.

Mr Omar ayaa doorashada gubernatooraha Mombasa ee sanadkan kula tartamaya Hassan Joho oo isagu xisbiga ODM ka tirsan,waxaana Mr Omar sida uu sheegay uu kalsooni ku qabaa in uu ku guulaysan karo doorashadaasi.

Wiper iyo ODM ayaa ka wada tirsan isbahaysiga NASA,lamana oga sida ay labadaasi musharax isugu tanaasuli karaan doorashada gubernatooraha Mombasa.

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *