Home / Somali Language / Wajir : MCA-yo Ku Dhaliilay Afar Xildhibaan Taageero Lagala Laabtay Ahmed Abdullaahi

Wajir : MCA-yo Ku Dhaliilay Afar Xildhibaan Taageero Lagala Laabtay Ahmed Abdullaahi

Wakiilada baarlamanka kowntiga Wajir ayaa ku dhaliilay Afar xildhibaan in ay masuul ka yihiin in gubernatoore ku xigeenka iyo afhayeenka baarlamanka kowntiga ay taageerada kala laabtaan gubernatoore Ahmed Abdullaahi.

Wakiiladan baarlamanka kowntiga oo sheegay in ay yihiin ilaa 35 ayaa sheegay in ay taageerayaan gubernatoore Ahmed Abdullaahi.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Wajir maalinkii shalay ayay meesha uga saareen sheegashada siyaasiyiinta kowntiga ee ah 20 kamid ah 45 MCA ee Wajir in ay taageeradii kala laabteen gubernatoore kowntiga.

Ku xigeenka afhayeenka baarlamanka kowntiga Adan Guracho ayaa sheegay Mr Abdullaahi in uu uqalmo in markale  loo soo doorto gubernatooraha kowntiga,uuna isbadal muuqda kusoo kordhiyay kowntiga.

Xildhibaanada ay eedeeyeen MCA-yada ayaa kala Mohamed Elmi (Tarbaj), Adan Keynan (Eldas), Abass Mohamed (Wajir East) and Halima Abdille (woman representative).

Mudanayaasha ayaa kulan ay maalmo kahor ku yeesheen Nairobi,waxaa ay u jeediyeen dhaliilo gubernatooraha kowntiga Wajir Ahmed Abdullaahi.

Ku xigeenka gubernatooraha Wajir Abdihafid Yarrow ayaa kamid ah kuwa dhaliilay gubernatooraha,waxaana uu isagu si gaar ah ugu eedeeyay Mr Abdullaahi in uu maroorsaday awoodii maamul ee kowntiga.

About Radio Key

Check Also

UK

Uhuru iyo Ruto oo ku wajahan kowntiga Busia

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maanta gaynaya ololaha xisbiga Jubilee kowntiga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *