Home / Somali Language / Yattani Oo Mucaaradkiisa Ku Eedeeyay Weerar Lagu Soo Qaaday Gaadiid Uu La socday

Yattani Oo Mucaaradkiisa Ku Eedeeyay Weerar Lagu Soo Qaaday Gaadiid Uu La socday

Gubernatooraha Marsabit Ukur Yattani ayaa cambaareeyay weerar lagu soo qaaday gaadiid uu la socday oo marayay Dambalafachana,habeenkii Sabtida.

Yattani ayaa sheegay burcada soo weerartay ay taageersan yihiin Ninka ay iska soo horjeedaan ee la yiraahdo Mohamud Ali.

Gubernatooraha ayaa la dhagaxeeyay xili ay kasoo baxeen isku soo bax ka dhacay Moyale,Sabtidi.

“ Weerarku waxaa uu ahaa nasiib daro ka dhalatay howl uu sameeyay qof cabsanaya,qof dareemaya in mar labaad laga adkaanayo” ayuu yiri Yattani.

Mr Yattani ayaa sheegay falalka noocaasi ah in ay u celinayaan wakhtiyadii mugdiga ahaa iyo isku dhacyadii qabaa’il,laakiinse aysan arintaasi iyagu marnaba ku dhaqaaqaynin.

Waxaa uu xusay gubernatooruhu in ay ka shaqeeyeen xasiloonida iyo isdhex galka bulshooyinka ku nool kowntiga guud ahaan.

Dhanka kale Mr Mohamud Ali ayaa iska fogeeyay eeda uga timid gubernatooraha,waxaana uu sheegay in aysan jirin burcad uu abaabulay,waxuuna kaloo meesha ka saaray in uu dareemayo in mar labaad laga adkaanayo.

Ugu dambayn Yattani ayaa ugu baaqay bulshada ku nool xadka Itoobiya in ay la shaqeeyaan dowladaha Itoobiya iyo kenya si gobolku uu ahaado mid nabdoon.

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *