Home / Somali Language / Madaxweyne Uhuru Oo Furaya Shirkii Afaraad Ee Golaha Gubernatoorayaasha Kenya

Madaxweyne Uhuru Oo Furaya Shirkii Afaraad Ee Golaha Gubernatoorayaasha Kenya

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa saaka oo Talaada ah furaya shirkii Afaraad ee dowlad baahinta oo ka furmaya magaalada Naivasha ee kowntiga Nakuru.

Shirkan oo Saddex maalmood soconaya ayaa lagu qabanayaa machadka tababarada adeega duur-joogta Kenya (Kenya Wildlife Service Training Institute). Ee Naivasha.

Sanadkii 2016, Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto iyo Senataro ayaa ka baaqday ka qayb galka shirkii Saddexaad ee golaha gubernatoorayaasha oo ka dhacay kowntiga Meru.

Xiligaasi waxaa jiray is-fahan waa daahsoon oo u dhexeeyay dowlada dhexe iyo guebrnatoorayaasha.

William Ruto ayaa la filayaa Khamiista in uu soo xiro,iyadoo oo uu la jiro Raila Odinga oo isla maalintaas la filayo in uu ka hadlo shirka.

Shirkan ayaa isku keenaya 47-da gubernatoore ee kowntiyada,Senataro,xildhibaano baarlamanka qaranka iyo kuwa kowntiyada,maalgashato,ganacsato caalami ah iyo kuwa deegaanka .

In ka badan 6,000 oo qof oo ka qayb galayaal caalami ah iyo kuwo deegaanka ah ayaa goobjoog ka ahaanaya shirkaasi.

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *