Home / Somali Language / Odayaal kasoo jeeda Marakwet oo Taageeray Howlgalka Ciidamada Amaanka ee Keri Valley

Odayaal kasoo jeeda Marakwet oo Taageeray Howlgalka Ciidamada Amaanka ee Keri Valley

Golaha odoyaasha Marakwet ayaa soo dhoweeyay howlgalka amaan ee ka soconaya Kerio Valley,waxaana ay ku tilmaameen in uu yahay mid nabad iyo kala dambayn loogu soo celinayo deegaanka.

Kooxaha dambiilayaasha ee haysta hubka ayaa tobonkii bilood ee u dambeeyay,waxaa ay dhimasho iyo cabsi galin ka sameeyeen gobolka.

Odoyaasha ayaa ka codsaday dowladu in baaritaan lagu sameeyo hogaamiyaasha lasoo doortay ee Galbeedka Pokot iyo Baringo oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo diiday in burcada laga saaro gobolka.

Gudoomiyaha golaha odoyaasha Marakwet Andrew Chemweno ayaa sheegay iskuulada dowlada ee amni darida loogu xiray ay dib u furmwwn.

Mzee Chemweno ayaa xusay in ay ku faraxsan yihiin in ay caadi kusoo laabanayso xaalada deegaanka.

Chemweni ayaa waxaa ku wehelinaya shirka jaraai’d ee ay warbaahinta u qabteen xildhibaanada kala ah Robert Kipkorir (Marakwet East), Francis Mutuol (Marakwet West MP) iyo agaasimihii hore ee maamulka horumarinta Kerio Valley (KVDA) David Kalesi.

About Radio Key

Check Also

UK

Uhuru iyo Ruto oo ku wajahan kowntiga Busia

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maanta gaynaya ololaha xisbiga Jubilee kowntiga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *