Home / Somali Language / Uhuru iyo Raila oo Cambaareeyay musuqmaasuqa kajira Dawladaha kawntiyada

Uhuru iyo Raila oo Cambaareeyay musuqmaasuqa kajira Dawladaha kawntiyada

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyata iyo madaxa xisbiga mucaaradka ODM Raila Odinga oo shalay ka qeyb galay aaska gubarnatoorahii hore kawntiga Nyeri Nderitu Gachagua ayaa waxa ay dhaliilen golaha wakiilada barlamaanka hoose ee dawladaha kawntiyada. Xubnaha ka tirsan barlamaanka hoose aya la sheegey in ay cadaadiyaan gubarnatoorada si ay u helaan guno iyo lacago dheeri ah si ay u gaaraan danahooda shaqsiyeed.

Raila iyo madaxweyne Uhuru kenyata waxa ay qireen shacabka in ay gurteen miraha dowlad baahinta, balse aysan gaarsisaneen heerkii la doonaayay .

Aaska Gachagua ayaa waxa aad looga dhaliilay khilaafaadka u dhaxeeya golaha sharci dijinta kawntiyada iyo golaha fulinta.

Uhuru iyo Raila oo aad u kala aragti duwan ayaa waxa ay halmeel kagawada hadleen  arimaha awood dhaadhicinta iyio dawladaha hoose,waxeyna si faahfaahsan ugu dheeraadeen hoowlaha horyaala xubnaha aqalada hoose ee dawladaha kawantiyada waxeeyna ugu baaqeen in la shaqeeyaan gubernatoorayaasha.

Madaxweyne Uhuru iyo Raila oo u muuqday in ay wada akhrinayeen qoraal ay kusoo heshiiyeen ayaa waxa ay carabka ku balaariyeen in aan loo baahneyn safarada dalalka dibada ay ku aadaan golaha wakiilada barlamaanka dawladaha kawntiyada.

About Radio Key

Check Also

ISIOLO 2

Isiolo : Ms Dhulo oo Rajo ka qabta inay ku guulaysato Kursiga Senate-ka Kowntiga

Senatora-da lasoo magaacabay Fatumo Dhulo ayaa ka digaysa Raga ay la tartamayso inay adeegsadaan olole …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *