Home / Somali Language / Hassan Joho oo sheegay Naftiisa in ay Khatar ku jirto

Hassan Joho oo sheegay Naftiisa in ay Khatar ku jirto

Gubarnatooraha kawntiga Mombasa Ali Hassan Joho ayaa waxaa uu walaac ka muujiyey hadal uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta  uu ka jeediyey xafladii xariga uu uga jaraayay kanaalka Mtongwe doon lagu  safro ee LV Likoni.

Madaxweynaha ayaa maalinkaasi sheegay in uu cashar u dhigi doono Hassan Joho waa hadii uu ka baaqsanin la tartamidiisa.

Hassan joho oo shalay isku soo bax dadweyne  ku qabtay Mombasa ayaa sheegey in la dhayalsan karin hanjabaad uu jeediyo hogaamiye Afrikaan ah,wuxuuna gobolka ka dalbadey in ay baaritaan ku sameeyan hanjabaada Uhuru Kenyatta.

Dhanka kale madaxweynaha dhaliisha uu u jeediyay gubarnatooraha kawntiga Mombasa Hassan Joho oo ah waxqabda la`aan iyo inuu cadeeyo halka 40-ka bilyan kawntiga loo qoondeeyey ay ku baxdey ayaa Joho ku jawaabay dowladiisa in ay soo gaarin lacagta madaxweynaha uu sheegey balse 17 bilyan keliya gaartay kawntiga Mombasa.

Hassan Joho waxa uu ka dalbaday Madaxweynaha iyo wasiirka maaliyada dalka Henry Rotich in ay sida ugu dhakhsiiyaha badan 23 bilyan ee ka dhiman afartanka bilyan la gaarsiiyo kawntiga Mombasa.

Gubornatooraha kawntiga Kilifi iyo dhigiisa Kawntiga Taita Taveta John Mrutu ayaa waxaa ay su’aal galiyeen habdhaqanka Madaxweynaha dalka ee ka horjoogsigiisa Hassan Joho in uu ka qeyb galo xafladii xariga looga jaraayey doonta LV likoni ee degaan xeebeedka Mtongwe.

John Mrutu aya waxa uu ku eedeyey xisbiga Jubilee in ay caburiyaan xubnaha katirsan xisbiga Mucaaradka.

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *