Home / Somali Language / Koonfurta Baringo : Shan Qof oo ku Dhintay Weeraro Cusub

Koonfurta Baringo : Shan Qof oo ku Dhintay Weeraro Cusub

Ilaa Shan qof ayaa ku dhintay,labo kalana waa ay ku dhaawacmeen weeraro cusub oo ka dhacay xuduudka Kiserian iyo Mukutani ee Koonfurta Baringo,maalinkii shalay.

Shanta qof ee dhintay ayaa isugu jiray saddex rag ah iyo labo dumar ah.

Weerarka koowaad ayaa la’aaminsan yahay in ay gaysteen burcad kasoo jeeda bulshada Ilchamus.

Xoolo raacato daaqsanayay xoolahooda xuduudka Kiserian iyo Mukutani ayay ka dileen saddex qof,kahor inta aysan baxsan.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay aaga Nosukuro,halkaasi oo burcad iyo laanta RDU ay iskugu dhaceen,waxaana goobtaasi ku dhintay labo dumar ah.

Jiifka Chemoiykut Daud Long’or ayaa sheegay burcad kasoo duushay Kiserian ay ku dhaawaceen labo caruur ah aaga Karaw.

Burcada ayaa horay usii kaxaystay 300 neef oo Lo’ ah .

Weeraradan ayaa imaanaya xili ay ciidamada amaanka howlgalo ka samaynayaan aagaasi.

About Radio Key

Check Also

UK

Uhuru iyo Ruto oo ku wajahan kowntiga Busia

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maanta gaynaya ololaha xisbiga Jubilee kowntiga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *