Home / Somali Language / Marsabit : MCA Maxkamad ku Dacweysay Xildhibaanka Laisamis

Marsabit : MCA Maxkamad ku Dacweysay Xildhibaanka Laisamis

Wakiil ka tirsan baarlamanka kowntiga Marsabit ayaa ku dacwaysay maxkamada kowntiga in uu aflagaadeeyay xildhibaanka Laisamis Joseph Lekuton.

MCA-ga lasoo magacaabay Zam Zam Hussein ayaa maxkmada ka sheegtay in uu xildhibaanku ku caayay iyada in ay tahay qof jirkeeda ka ganacsata.

Xidhibaanka ayay sheegtay in uu ka caayay goob shaqo dadweyne,markii ay taariikhdu ahayd May 16,2015.

Goobta ayay sheegtay in uu goobjoog ahaa gubernatooraha kowntiga Ukur Yattani.

Xiliga uu aflagaadeeyay Lekuton ayay sheegtay in ay diyaarinaysay koox dumar ah oo hadiyado u geeyay kasoo qayb galayaasha munaasabada.

Kiiska ayaa dhagaysigiisa dib loogu dhigay maalmaha 14 ilaa 15 bisha June,sanadkan 2017.

About Radio Key

Check Also

UK

Uhuru iyo Ruto oo ku wajahan kowntiga Busia

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maanta gaynaya ololaha xisbiga Jubilee kowntiga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *