Home / Somali Language / Boolis Loo xiray Laaluush ay ka qaateen Itoobiyaan

Boolis Loo xiray Laaluush ay ka qaateen Itoobiyaan

Ilaa shan kamid ah saraakiisha booliska saldhiga Karatina Police Station ee kowntiga Nyeri ayaa la xiray,kadib markii ay sii daayeen 17 qof oo soo galooti sharci daro ahaa.

Dadka lasii daayay ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen Itoobiya.

Dadkan Itoobiyaanka ayaa saarnaa gaari xamuul,waxaana la sheegay in ay kusoo jeedeen magaalada Nairobi.

Ciidamada la xiray ayaa la heshiiyay dadka soo galootiga ah,iyaga oo aan dacwad ka qorin,waxaana ay sii daayeen markii ay lacago laaluush ah ka qaateen.

Weli ma cadda lacagta ay ciidamadu qaateen inta ay dhan tahay cadadkeeda.

Isku duwaha booliska ee gobolka bartamaha Larry Kieng ayaa xaqiijiyay xiritaanka ciidamada.

Saraakiisha ayaa lagu haystaa dadka ajnabiga ah in kula heshiiyeen magaalada,aysana usoo warbixin saraakiisha ka sareysay ee saldhiga.

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *