Home / Somali Language / Dhimasho ka dhalatay Xoolo raacato ku dagaalamay Isiolo

Dhimasho ka dhalatay Xoolo raacato ku dagaalamay Isiolo

Tobon qof ayaa ku dhintay Kom,kadib markii ay dagaalameen xoolo raacato kasoo jeeda bulshooyinka Borana iyo Samburu.

Taliyaha booliska Isiolo Charles Ontita ayaa xaqiijiyay shilka.

Ku xigeenka gudoomiyaha amaanka Merti Julius Maiyo ayaa sheegay in ay jiraan dad lu dhaawacmay dagaalka oo subaxnimadii Axada dhacay.

My Maiyo xusay in ay  geeyeen ciidamo aaga uu dagaalku ka dhacay si ay u qaboojiyaan xaalada.

Ku xigeenka gudoomiyaha amaanka Merti ayaa intaa ku daray in xiligan ay daaqsin u joogaan deegaanka ilaa 50,000 oo neef.

Xoolo raacatada Isiolo ayaa la sheegay in ay weerarka soo qaadeen,iyaga oo ka caraysan kuwa Samburu xoolo daaqsanayay aagaasi.

About Radio Key

Check Also

ISIOLO 2

Isiolo : Ms Dhulo oo Rajo ka qabta inay ku guulaysato Kursiga Senate-ka Kowntiga

Senatora-da lasoo magaacabay Fatumo Dhulo ayaa ka digaysa Raga ay la tartamayso inay adeegsadaan olole …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *