Home / Somali Language / Dowlada oo Baaraysa Xisaabaadka Bangi ee Gubernatoore Hassan Joho

Dowlada oo Baaraysa Xisaabaadka Bangi ee Gubernatoore Hassan Joho

Gubornatooraha kawntiga Mombasa Hassan Joho ayaa lagu wargaliyay in lacagta u taala bankiga dabagal iyo baaritaan dowlada ay ku sameeyneyso ayadoo u mareeysa waaxda ururisa canshuurta.

Waaxda canshuur arurinta dalka ee loo soo gaabsho KRA ayaa waxa ay warqad horaantii bishan u gudbisay Bangiga Diamond Trust oo xisaab lacageed uu ku leeyahay Hassan Joho ayagoo ku wargaliyay in ay doonayaan baaritaan in ay ku sameeyan lacagta Hassan Hoho inta u dhaxeyesy sanadkii 2011 ila sanadkan.

Hayeeshee Hassan Joho oo si cara leh ugu jawaabey,waxaa uu sheegey dowlada in ay dooneeyso in ey aamusiso ama ay handado balse uusan ka hareeynin in uu ka hadlo qaladaadka ay sameeyso dowlada.

Asagoo hadalka sii wata Hassan Joho aya waxa uu xusey in uusan dhalan isgoo leh gawaari iyo hanti midna,wuxuuna dowlada ugu baaqey in hantidiisa si cad ula wareegto ayna joojiso edeeymaha been abuurka ah.

Ugu dambeeynti isu soo baxyadii ugu dambeeyey gubonatooraha Mombasa Hassan Joho uu ku qabtey Tana River iyo degaana hoos imaada kawntiga Mombasa aya waxa uu madaxda degaankaasi iyo shacabka ugu baaqay ayagoo wada jira in ay u codeeyaan isbaheysiga xoogan ee qaran NASA si xisbiga talada haaya talada dalka loogala wareego.

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *