Home / Somali Language / Labo Qof oo ku dhintay Dagaalo kasoo cusboonaaday Baragoi

Labo Qof oo ku dhintay Dagaalo kasoo cusboonaaday Baragoi

Ilaa Labo qof ayaa ku dhintay Baragoi,kadib markii uu dagaal cusub dhexmaray bulshooyinka Turkana iyo Samburu.

Taliyaha booliska Samburu Alfred Ageng’o ayaa ku baaqay in la dajiyo xaalada,waxaana uu digniin u diray kuwa lagu tuhmayo dambiyada deegaanka ka dhacaya ee dhaca Lo’du ay ku jirto.

Mr Ageng’o ayaa sheegay in xaalada amni ee deegaanka ay kacsan tahay,ayna ku howlan yihiin adkaynta amaanka.

Waxaa uu intaa ku daray taliyaha in ay soo xirayaan ayna maxkamad horkeenayaan kuwa la tuhmayo.

Khasaaaha weerarka Waqooyiga Samburu ayaa kor u kacday muddo todobaad ah,waxaana ay haatan maraysaa dhimashada Lix qof iyo dhaawaca 5 kale oo xaaladoodu ay halis tahay.

Tuulada Bendera ayaa lagu dilay nin isku dayay in uu Lo’  dhaco.

Gubernatooraha Samburu Moses Lenolkukal iyo afhayeenka Steve Lelegwe ayaa booqday aaga uu dagaalku ka dhacay,waxaana ay ka codsadeedn dadka deegaanka in ay nabada ka shaqeeyaan.

About Radio Key

Check Also

UK

Uhuru iyo Ruto oo ku wajahan kowntiga Busia

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maanta gaynaya ololaha xisbiga Jubilee kowntiga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *