Home / Somali Language / Labo Qof oo ku dhintay Shil ka dhacay Narok

Labo Qof oo ku dhintay Shil ka dhacay Narok

Ilaa labo qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay aaga Stima oo ku taala wadada weyn ee isku xirta Narok ilaa Maimahui.

Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Axada,iyada oo ay qayb ka ahaayeen gaadiid nooca xamuulka ah iyo bas matatu-ah.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday cisbitaalka kowntiga.

Taliyaha booliska Kipkurui Langat ayaa xaqiijiyay shilka,isaga oo uga digay darawalada gaadiidka xawaaraha sare ee ay ku kaxaynayaan gawaarida marka ay wadadaasi marayaan.

Langat ayaa sheegay xiliga habeenkii ay darawaladu xawaare sare ku wadaan gawaarida,xili aysan qalabkii xawaaraha aanay goobtaasi oolin.

Goobta shilku ka dhacay ayaanan ka fogayn Ntulele oo 42 rakaab saarnaa baska shirkada City to City ay ku geeriyoodeen.

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *