Home / Somali Language / Marsabit : EACC oo Baaraysa Saraakiil lagu tuhunsan yahay Iibsashada Gargaar loogu talagalay Dadka Abaaruhu saameeyeen

Marsabit : EACC oo Baaraysa Saraakiil lagu tuhunsan yahay Iibsashada Gargaar loogu talagalay Dadka Abaaruhu saameeyeen

Hay’da anshaxa iyo la dagaalanka musuq maasuqa EACC ayaa baaritaan ku haysa cunto gargaar ah oo lagu xaday degmada Loyangalani ee kowntiga Marsabit.

Madaxa EACC ee kowntiyada Isiolo,Tharaka Nithi, Meru, Marsabit iyo Samburu Ignatius Wakesa ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan saraakiil sar sare oo maamulka,kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay qayb ka yihiin musuq maasuqa la sameeyay.

Ma sheegin gudoomiyaha cidda ay yihiin saraakiisha ay tuhunsan yihiin,waxaase uu xusay inay kala xisaabtami doonaan kuwa lagu helo.

Cuntada la iibsaday ayaa loo qorsheeyay kumanaan qof oo ay saamaysay macaluusha ka dhalatay abaarta daba dheeratay ee kowntiga.

Mr Wakesa ayaa sheegay inay cabasho kasoo gaartay dadka deegaanka oo ku aadan in aysan dadka dhibtoonaya helin gargaarkii loogu talagalay.

Baaritaano horudhac ah oo ay samaysay EACC ayaa muujinaysa in xaditaan xoog badan lagu sameeyay cuntadii gargaarka ee degmada Loyangalani ee kowntiga Marsabit.

About Radio Key

Check Also

ISIOLO 2

Isiolo : Ms Dhulo oo Rajo ka qabta inay ku guulaysato Kursiga Senate-ka Kowntiga

Senatora-da lasoo magaacabay Fatumo Dhulo ayaa ka digaysa Raga ay la tartamayso inay adeegsadaan olole …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *