Home / Somali Language / Dad Guryahoodii ka Qaxay Galbeedka Pokot

Dad Guryahoodii ka Qaxay Galbeedka Pokot

Waxaa kacsan xaalada Kopsiro oo ka tirsan Mt Elgon,kadib markii saddex qof asbuucii aynu soo dhaafnay lagu dilay deegaanka.

Kooxaha dilka gaystay ayaa lagu sheegay burcad,waxaana qof ganacsada ah ay kasii qaateen Sh100,000 oo lacag kaash ah.

Ku xigeenka gudoomiyaha amaanka Cheptais Stephen Momanyi ayaa sheegay dadku inay u qaxeen cabsi ay ka qabaan dhibaato kale oo deegaanka ka dhacda.

Mr Momanyi ayaa sheegay iyaga oo ka jawaabaya cabsida jirta inay ciidamo fara badan ku daabuleen deegaanka Chepyuk.

Ciidamada ayuu xusay inay ku daba joogaan dambiilayaashii dhaca iyo dilka gaystay,ayna sharciga marin doonaan markii ay gacanta ku dhigaan.

Momanyi ayaa ugu baaqay dadku inay is-dajiyaan, ayna u daayaanciidamada sugida amaanka.

BY KEY FM TEAM

 

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *