Home / Somali Language / Labo Qof oo u Dhintay Cudurka Daacuunka iyo Digniino ay soo saareen Dhakhaatiirta

Labo Qof oo u Dhintay Cudurka Daacuunka iyo Digniino ay soo saareen Dhakhaatiirta

Labo bukaan ayaa 24-tii saac ee aynu soo dhaafnay ugu geeriyooday cisbitaalka qaran ee Kenya(KNH).

Ugu yaraan 50 qof ayaa la dhigay cisbitaalka qaybtiisa 1f, waxaana inta badan laga kala keenay dadkaasi degmooyin badan oo ka tirsan kowntiga Nairobi.

Kalkaaliso ka tirsan qaybra gurmadka deg dega ee cisbitaalka ayaa sheegtay bukaanada ay hayaan laga kala keenay Kileleshwa, Githurai, Kawangware, Pipeline, Mukuru kwa Njenga iyo Embakasi South.

Cisbitaalka oo ay saamayn ku yeelatay shaqa joojinta kalkaalisooyinka ayaa haddana ay maamulku cisbitaalku iska fogeeyeen in dad halis caafimaad qaba ay joogaan cisbitaalka.

Dhakhaatiirta ayaa uga digaysa bulshada cuntooyinka qaar,iyada oo la magacaabay dhakhaatiir ka howlgasha kahor taga faafida cudurkaasi.

Bishan 14-keedii ayay ahayd markii wasiirada maaliyada Henery Rotich iyo kan ganacsiga Adan Mohamed loo dhigay cisbitaalka kadib markii lagu arkay calaamada cudurkaasi daacuunka ah.

Baarayaal ayaa ku qiyaasay sannad kasta inay jiraan 1.3 ilaa 4 milyan oo kiisas cudurka daacuunka ah, ayna u dhintaan 21,000 ilaa 143,000.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *