Home / Somali Language / Maamulka Amaanka Tana River oo ugu baaqay Dadku inay cod bixiyaan Xiliga Doorashada

Maamulka Amaanka Tana River oo ugu baaqay Dadku inay cod bixiyaan Xiliga Doorashada

Gudoomiyaha amaanka kowntiga Tana River Kaburu Kaimba ayaa u sheegay shacabka Tana River, gaar ahaana ku nool Kasiluni iyo meelaha u dhow xuduudka goobaha ay ka jirto amni xumidu in ay cod bixiyaan oo aysan mar marsiinyo ka dhigan amni xumida.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo diyaariyay ciidamo ku filan meelaha ay cabsidu ka jirto,ayna si weyn u sugayaan goobaha laga cod bixinayo ee kowntiga.

Tana River ayaa kamid ah Saddex kownti oo ku simaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I uu kusoo rogay bandow sababo la xiriira amaanka.

Imaamyada iyo shacabka kowntiga ayaa kahor yimid bandowgaasi,iyaga oo sheegay kownti-gooda inuu yahay amaan.

Isku duwaha gobolka xeebta ayaa isaguna asbuucan ku eedeeyay siyaasiyiin Tana River laga soo doorto inay qayb ka yihiin amni darida,gaar ahanaa weerarada ay al-shabaab ka gaysanayso gobolka.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *