Home / Somali Language / Culimada Garissa oo ugu Baaqay Siyaasiyiinta in aysan kicin Dadweynaha

Culimada Garissa oo ugu Baaqay Siyaasiyiinta in aysan kicin Dadweynaha

Hogaamiyayaasha diinta ee kowntiga Garissa ayaa weydiistay musharaxiinta siyaasada ee kowntiga inay ka fogaadaan ereyada ama hadalada abuuraya nacaybka ee samaynaya kicinta dadweynaha.

Sheekh Khaliif Cabdi iyo Abdirahman Korme ayaa kula dardaarmay musharaxiinta in qorshohooda siyaasada uu noqdo midd ay xooga ku saarayaan arimaha horumarka.

Culimada ayaa sheegtay in aysan ku cod bixinayn qabiil, laakiinse ay u cod bixinayaan shakhsiyaadka usoo is-taagay doorashada iyo waxa ay u taagan yihiin.

Sheekh Cabdi ayaa xusay hogaamiyayaasha in laga doonaya dhiiri galinta nabada, ayna tahay midd muhiim u ah dhamaan dadka deegaanka.

Doorashada guud ee Kenya oo ay kaharsan tahay muddo 22 maalmood ah ayaa kowntiyada qaar ay laamaha amaanka ay kaga digeen rabshado ka dhaca,gaar ahaana ay siyaasada doorashada ay ku dhaliso qabaa’lada iyo bulshooyinka kale ee wada degen ay iskahor yimaadaan.

BY KEY FM TEAM

 

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *