Home / Somali Language / Dowlada Kenya oo ka feejigan Weeraro cusub oo Al-shabaab ka yimaada

Dowlada Kenya oo ka feejigan Weeraro cusub oo Al-shabaab ka yimaada

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Al-shabaab ay isku urur sanayaan aaga Lakta belt ee kaynta Boni, ayna galayaan kaynta xili uu madaxaweyne Uhuru Kenyatta uu siiyay ciidamada amar inay laayaan al-shabaab oo ayna aasaan.

Booliska ayaa sheegay Arbacadii in Al-shabaab ay soo direen Shan ka tirsan kooxdooda oo asalkoodu yahay Kenyan si ay u hogaamiyaan weeraro cusub oo kooxdaasi ay damacsan tahay.

Dowlada ayaa sheegtay argagixisada inay soo galayaan dalka, iyaga oo caawimaad ka helaya qarabadooda.

Booliska ayaa qaybiyay sawirada Shanta qof ee la tuhunsan yahay, waxaana ay ka codsadeen dadweynaha inay lasoo socod siiyaan wixii warbixina ah ee ku hagaya soo qabashadooda.

Boolisku waxaa ay ku bixinayaan Sh2 milyan oo la siinayo ciddii soo sheegtay warbixin lagu soo xiri karo Shanta qof ee kala ah Abdikadir Mohamed oo ku magac dheer Ikrima, Mohammed Tajir Ali, Suleiman Irungu Mwangi iyo labada walaalaha ah Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu.

Suleiman ayaa boolisku sheegeen inuu leeyahay magacyo kale oo ay kamid yihiin Habib, Maalim Zakariya iyo Jureij.

Mohammed Tajir  ayaa isaguna adeegsada magacyada Wahome iyo Abu Jaffar,waxaana uu ku sugnaa Soomaaliya tan iyo 2009.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *