Home / Somali Language / Milatariga Kenya oo sheegay inay dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Milatariga Kenya oo sheegay inay dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda al-shabaab.

Hassan Issack Ibrahim oo ku magac dheer Beila ayaa u qaabilsanaa al-shabaab aaga Gelef ee Soomaaliya, waxaana lala dilay labo ilaaladiisa ahayd oo la socotay.

Weerarka lagu dilay sarkaalkaasi ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada KDF iyo xoogaga amaanka maamul goboleedka Jubbland ee Soomaaliya.

Maydka sarkaalka ayaa lagu soo bandhigay magaalada Dhobley,Arbacadii.

Hassan ayaa la aaminsan yahay inuu ka dambeeyay afduubka gawaarida qaadka miiraa-ga inta u dhaxaysa xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaana Diff, Hamey iyo Dhobley.

Waxaa kaloo la sheegay inuu hogaaminayay tiro weeraro ah oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada booliska.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *