Home / Somali Language / Booliska oo loo kordhinayo Lacagaha Mushaharka

Booliska oo loo kordhinayo Lacagaha Mushaharka

Ciidamada booliska ayaa filan doona mushaharkooda oo kor loo qaaday, sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga adeega booliska qaran (NPSC) Johnston Kavuludi.

Gudoomiyaha ayaanan qeexin tirada lacagta lagu kordhinayo mushaharka, wakhtiga la kordhinayo iyo sida loo fulinayo.

Mr Kavuludi ayaa xusay in uusan sheegi karin maalinta la filan karo kordhinta mushaharka booliska, haddana ay ka wada tashanayaan xaaladaha iyo shuruurdaha saraakiisha booliska marka la eego lacagaha ugu yar ee ay filan karaan.

“ Waxaa ay heli doonaan war wanaagsan waa inay dulqaataan” ayuu yiri Kavaludi.

Shaqaalaha dowlada ayaa bishan July filanayo kordhinta musharaadkooda.

Gudiga NPSC ayaa soo jeediyay nidaamka cusub ee kordhinta mushaharka lagu saleeyo xirfadaha, masuuliyada iyo khataraha.

Booliska Kenya ayaa lagu tilmaamaa kuwo musuq maasuq badan, iyaga oo lacago ka badan mushaharkooda ku hela si wax is-daba marin, waxaase taliska booliska ay beeniyeen arintan inay tahay mid aad u baahday.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *