Home / Somali Language / Mid kamid ah Iskuulada Nairobi oo loo xiray cabsida inuu ka dilaaco Daacuun

Mid kamid ah Iskuulada Nairobi oo loo xiray cabsida inuu ka dilaaco Daacuun

Gubernatooraha Nairobi Evans Kidero ayaa amray in la xiro iskuulka hoose ee Tina Education Centre oo ku yaala Mukuru Kwa Reuben.

Iskuulkan ayaa dhibane u noqday wasakh iyo qashin badan iyo liidashada maamulka.

Kidero ayaa sheegay in ardayda ay khatar ku jirto naftooda, maadaama ay bulaacad ay dhexmarto dhismaha yar ee iskuulka.

Gubernatooraha ayaa sheegay diiwaanka iskuulka inay bixiyeen wasaarada waxbarashada, uuna yahay deegaan ahaan midd ardaydu aanay wax ku baran karin ayna sidaasi darteed u xirayaan.

Iskuulka waxaa dhigta ilaa 140 arday ah, waxaana saamayn ku yeeshay fasaladii iyo dhismihi kale ee iskuulka bulaacada dhex marta.

Amarkan ayaa imaanaya iyada oo ay kordhayaan kiisaska cudurka daacuunka, waxaana kuwii ugu dambeeyay ay gaarayaan ilaa 12 kiis oo dhamaantood gudaha Nairobi laga sheegay.

Lixdan kiis ee dambe ayaa ku kordhaya 67 kale oo u yaala cisbitaalka Kenyatta in laga dabiibo xanuunkaasi.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *