Home / Somali Language / Askar loo haysto inay dhaceen Sh2.7 milyan oo lagu sii haynayo Xabsiga

Askar loo haysto inay dhaceen Sh2.7 milyan oo lagu sii haynayo Xabsiga

Afar askari iyo saddex rayid ah ayaa maalinkii shalay maxkamad loo soo taagay tuhunka dhaca Sh2.7 milyan oo iska lahaa ganacsade khamaarka oo u dhashay Shiinaha.

Ilaa Arbacada ayaa lagu sii haynayaa xabsiga si baaritaan dheeri ah loo sameeyo.

Mid kamid ah askarta ayaa waxaa dhalay taliye sare oo ciidamada AP-da.

Askarta ayaa kala ah Mr Simon Mwaniki, Mr Kennedy Kobia, Mr Isaiah Kimani iyo Ms Eunice Wanjiku Mburu.

Saddexda rayidka ayaa iyaga magacyadooda lagu sheegay Maurice Odhiambo, Janet Cheptoo iyo Ezra Kipngeno.

Xeer ilaalinta ayaa ogolaatay in xabsiga lagu sii hayo toddobada qof ee lagu tuhmayo inay dhaceen ganacsadaha shiinayska ee lagu magacaabo Mr Wuwei Dun.

Eeda dacwad soo oogaha ee maxkamada ayaa muujinaysa in toddobada qof iyo kuwa kale oo aan lasoo qaban ay dhac u gaysteen Mr Dun, iyaga oo ka qaatay lacag kaash ah iyo mobile lagu qiimeeyay Sh50,000.

Shilkan ayaa dhacay Jimcihii, waxaana uu ka dhacay Rironi wadada Nairobi ilaa Naivasha.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *