Home / Somali Language / Boqolaal Ciidamo KPR oo la geeyay Degmooyinka kowntiga Isiolo

Boqolaal Ciidamo KPR oo la geeyay Degmooyinka kowntiga Isiolo

Shan boqol oo ciidamo dheeri, kana tirsan ciidamada booliska kaydka ee KPR loo soo aabiyo magacooda ayaa ka howlgalaya sidii ay kor u qaadi lahaayeen amaanka kowntiga Isiolo.

Ciidamadan KPR ayaa la geeyay degmooyinka kowntiga ee kala ah Garba Tulla,Isiolo iyo Merti.

Gudoomiyaha amaanka Isiolo George Natembeya ayaa sheegay ciidamada cusub ee kaydka laga tababaray sida ay u adeegsan lahaayeen qoryaha iyo arimo kale.

Natembeya ayaa sheegay ciidamadan inay si dhow ula shaqaynayaan saraakiisha booliska ee degmooyinka la geeyay.

Gudoomiyaha ayaa aaminsan ciidamadan inay wax badan ka tari doonaan nabada kowntiga iyo sidii looga hortagi lahaa dhaca ay gaystaan burcada xoolaha.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *