Home / Somali Language / Gubernatoore ku xigeenka Isiolo oo weydiistay dadka deegaanka in aysan dooran hogaamiyayaasha Musuq maasuqa ku lug leh

Gubernatoore ku xigeenka Isiolo oo weydiistay dadka deegaanka in aysan dooran hogaamiyayaasha Musuq maasuqa ku lug leh

Ku xigeenka hogaamiyaha Isiolo Mohammed Gulleid ayaa weydistay dadka deegaanka in aysan u codeyn siyaasiyiinta ku lugta leh musuq maasuqa.

Mr Gulleid oo u sharaxan gubernatooraha Isiolo ayaa kula tartamaya doorashada deegaanka Lix musharax oo kale,uuna ku jiro ninka uu ku xigeenka u yahay Godana Doyo.

Musharaxa ayaa sheegay musharaxiinta la tartamaysa in aysan qaarkood lahayn waxqabad, iyadoo qaarka kale ay lunsadeen sida uu sheegay hantidii dadweynaha.

Mohammed Gulleid ayaa ugu sharaxan xisbiga Chama Cha Mashinani gubernatooraha kowntiga Isiolo.

Waxaa uu kaloo sheegay kuwa ay iska soo horjeedaan ay u adeegsanayaan soo xero galinta codbixiyayaasha inay lacag ku bixiyaan, isaga oo ku tilmaamay lacagtaasi inay tahay lacagtii ay dhaceen.

BY KEY FM TEAM

 

 

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *