Home / Somali Language / Booliska oo Saddex Qof u xiray dilkii madaxii Tiknaloojiyada IEBC

Booliska oo Saddex Qof u xiray dilkii madaxii Tiknaloojiyada IEBC

Booliska ayaa lagu waramayaa inay xireen saddex qof oo lala xiriirinayo baaritaanka dilka madaxii ICT ee gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka Kenya (IEBC).

Booliska ayaa sheegay Mr Msando habeenkii jimcada lagu arkay baar ku yaala wadada Koinange,ayna la socdeen haweenayda Ms Ngumbu iyo Nin kale.

Kabalyeeri ayaa u sheegay booliska Ninka uu ka tagay baarka xili hore,laakiinse Msando iyo Ngumbu ay baxeen 1am.

Hadalkan ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay afhayeenka ciidamada booliska George Kinoti.

Gaariga Msando ayaa waxaa qabatay kaamirada 2.24am xili uu marayay wadada weyn ee Haile Selassie,mar dambena waxaa lagu arkay wadada Bunyala ee Uhuru Highway ee ku aadan wadada Mombasa.

Xiligaasi waxaa gaariga saarnaa Labo qof oo dumar iyo Rag ah,waxase saacadu markii ay ahayd 2.34am ay mar kale qabatay kaamirada gaariga Msando xili uu kusii jeeday Nyayo Stadium. Waxaa kali ah oo saarnaa wakhtigaasi hal qof oo Rag ah.

Ninka ugu dambeeyay ee boolisku ay ku arkeen gaariga ayaa ah kan hadda loo adeegsanayo furaha baaritaanka dilka Msando iyo Ms Ngumo.

Laanta dambi baarista ayaa raadinaysa Mobila-da iyo Dharkii Msando.

Taliyaha guud ee booliska Joseph Boinnet ayaa ka codsaday dadweynaha inay kala shaqeeyaan booliska kiiskan, ayna kusoo wargaliyaan wixii war ah ee la xiriira dilka Christopher Msando iyo Maryanne Wairimu Ngumbu.

BY KEY FM TEAM

 

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *