Home / Somali Language / Cuntada la wareejiyo oo la mamnuucay

Cuntada la wareejiyo oo la mamnuucay

Qaybta caafimaadka dowlada kowntiga Isiolo ayaa mamnuucday cuntada la wareejiyo ee ay garab raratada ay ka shaqaystaan.

Manuucidan ayaa looga gol leeyahay iskuday looga hortagayo inuu cudurka daacuunka ka dilaaco kowntiga.

Saraakiisha caafimaadka kowntiga ayaa sidoo kale waraaqo ogaysiin ah u diray hotel-ada iy maqaaxiyaha oo ay ku wargalinayaan inay joogteeyaan ilaalada tayada cuntada, la socoshada caafimaadka shaqaalahooda iyo inay haystaan biyo ku filan xarumahooda.

Madaxa caafimaadka dadweynaha dowlada kowntiga Guracha Sarite ayaa sheegay koox fayadhowrka inay sameeyeen kuwaasi oo la soconaya xaalada caafimaad ee bulshada.

Qaybo kamid ah Kenya ayaa lagu arkay cudurka daacuunka, iyadoo ay jiraan dad u dhintay iyo kuwo kale oo hadda cisbitaalada u jiifa xanuunkaasi.

BY KEY FM TEAM

 

 

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *