Home / Somali Language / Askari ku dhintay weerar Alshabaab ku qaadeen Xarun Boolis oo ku taala Lafey

Askari ku dhintay weerar Alshabaab ku qaadeen Xarun Boolis oo ku taala Lafey

Hal Askar ayaa ku dhintay, sidoo kalana Labo gawaarida booliska ayaa la gubay kadib markii al shabaab ay weerar ku qaadeen xarun boolis oo ku taala degmada Lafey ee Kowntiga Mandera maanta oo Khamiis ah.

Weerarka ayaa dhacay abaare 2:30am. Gaari ciidamadu lahaayeen ayay sii kaxaysteen kooxdii weerarka soo qaaday.

Wariyaha Keyfm ee Mandera ayaa ku waramay in loo xaqiijiyay qof rayid ah uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta ciidamada iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Booliska ayaa sheegay inay dabagalayaan gaariga la kaxaystay,haatana ciidamo badan la geeyay deegaanka si ay u xoojiyaan ciidamadii horay u joogay.

Weerarkan ayaa imaanaya iyada oo maalinkii shalay ilaa saddex qof lagu dilay weerar argagixiso ah oo lagu qaaday rakaab saarnaa bas ku safrayay wadada weyn ee Lamu ilaa Garsen.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay soo baxayeen digniino ay laamaha amaanka ka muujinayeen weeraro ay kooxda al-shabaab ka gaysan karto gudaha Kenya,gaar ahaan deegaanada xuduudka wakhtiga doorashada.

BY KEY FM TEAM

 

About Radio Key

Check Also

F M

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *