Home / Somali Language / Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Fred Matiang’I oo u xaqiijiyay Kenyan-ka in doorashada ay ku dhacayso Nabad

Sii hayaha wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I ayaa u sheegay Kenyan-ka in ciidamo ku filan ay u sameeyeen ilaalinta doorashada guud ee dalka Kenya.

Matiangi’I ayaa tilmaamay inay booliska diyaar u yihiin u fududaynta shaqadooda, gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka Kenya (IEBC) si doorashada ay six or iyo cadaalad ah ugu dhacdo.

Wasiirka ayaa hadalkan u jeediyay warbaahinta xili uu kasoo baxay shir albaabadu u xirnayeen oo uu la qaatay taliska booliska gobolada dalka Kenya.

Waxaa uu meesha ka saaray Matiang’I walaaca ay qabaan dadka qaar ee cabsida inay rabshado dhacaan.

Wasiirku waxaa uu kaloo intaa ku daray in booliska iyo laamaha kale ee la shaqaynaya ay joogaan meel walba oo dalka ah, ayna qabanayaan wax walba oo gudiga doorashadu uu weydiisto si shaqadooda ay u qabsadaan.

Isniintii ayaa la helay maydka madaxii ICT-ga ee IEBC Chris Msando,iyada oo aan ilaa iyo hadda la ogayn sababta ka dambaysa dilkiisa,booliskuna ay baarayaan.

Talaadada ayaa la filayaa Kenyan-ka inay u dareeraan cod bixinta doorashada kuraasta kala duwan ee siyaasada,iyada oo axsaabta ay ololhooda siyaasada si dardar leh u wadeen muddadii aynu kasoo gudbay.

BY KEY FM TEAM

 

About Radio Key

Check Also

MDR

Askari ku dhintay weerar Alshabaab ku qaadeen Xarun Boolis oo ku taala Lafey

Hal Askar ayaa ku dhintay, sidoo kalana Labo gawaarida booliska ayaa la gubay kadib markii …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *