Home / Somali Language / Booliska oo laga dalbay soo xiritaanka Nin gabar yar ku kufsaday Garissa

Booliska oo laga dalbay soo xiritaanka Nin gabar yar ku kufsaday Garissa

Sarkaalka caruurta u qaabilsan Fafi,konwtiga Garissa ayaa dalbaday soo xiritaanka tuhmane Rag ah oo lagu haysto inuu faraxumeeyay,uuna uur u yeelay gabar ardayada ah.

Abdullaahi Shale ayaa qeexay inuu ka cadhooday in xafiiska dacwad oogida uu sii daayo tuhmanaha loo haysto kufsiga.

Mr Shale ayaa tilmaamay inay tahay wax walaac abuuraya talaabada ay dacwad oogidu ay qaaday,iyada oo aanu faahfaahin qaabka lagu sii daayay tuhmanahaasi.

Ugu dambayn ayuu codsaday in tuhmanaha lagu soo xiro muddo todobo bari gudaheed ah.

Kufsiga gabdhaha yaryar ayaa ku badan deegaano badan oo dalka Kenya ah, waxaana saamayn ay ku yeelataa falalkaasi noloshooda.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

MDR

Askari ku dhintay weerar Alshabaab ku qaadeen Xarun Boolis oo ku taala Lafey

Hal Askar ayaa ku dhintay, sidoo kalana Labo gawaarida booliska ayaa la gubay kadib markii …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *