Home / Somali Language / Cali Roba iyo Xasan Nuur oo lagu amray inay bixiyaan Ganaaxa Rabshadihii Mandera ka dhacay

Cali Roba iyo Xasan Nuur oo lagu amray inay bixiyaan Ganaaxa Rabshadihii Mandera ka dhacay

Gubernatooraha Mandera Ali Roba ayaa lagu ganaaxay Sh1 milyan,rabshadihii kowntiga ka dhacay sababteed.

Sidoo kale musharaxa gubernatooraha Mandera ee xisbiga EFP Xasan Nuur ayaa isagana lagu amray inuu bixiyo Sh3 milyan.

Labadan hogaamiye ayaa loo sababaynayaa inay leeyihiin masuuliyada rabshadihii July 22, 2017 ka dhacay Mandera.

Soo dhoweyntii Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee kowntiga ayaa taageerayaasa Jubilee iyo EFP ee kowntiga ay isku dhaceen,iyada oo khasaaro uu ka dhashay isku dhacaasi.

Dhanka kowntiga Marsabit ayaa iyagana ganaax lagu soo rogay labada musharax ee gubernatooraha Ukur Yatani iyo Mohamud Ali oo ugu kala tartamaya doorashada deegaanka xisbiyada Frontier Alliance Party iyo Jubilee.

Ukur Yatani ayaa lagu ganaaxay bixinta Sh3 milyan, halka uu isagana ganaaxa ka bixinayo Sh1 milyan.

Taageerayaasha labada musharax ayaa rabshad ay dhexmartay July 26, xili madaxweynaha soo dhoweyntiisa loo diyaar garoobayay.

Inka badan sideed qof ayaa ku dhaawacmay iyada oo Afar kamid ah xabado ay ku dhaceen.

Maanta oo Jimca ah ayaa ugu dambaysa wakhtiga loo qabtay amarka bixinta lacagaha ganacaaxa,iyada oo cidda aan bixin laga saarayo ka qayb galka doorashada.

BY KEY FM TEAM

About Radio Key

Check Also

MDR

Askari ku dhintay weerar Alshabaab ku qaadeen Xarun Boolis oo ku taala Lafey

Hal Askar ayaa ku dhintay, sidoo kalana Labo gawaarida booliska ayaa la gubay kadib markii …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *