Home / Somali Language / Kenya oo Maalinka Berri ah looga dareerayo Doorasho iyo Hogaamiyayaasha tartamaya oo ku baaqay Nabad

Kenya oo Maalinka Berri ah looga dareerayo Doorasho iyo Hogaamiyayaasha tartamaya oo ku baaqay Nabad

Ku dhowaad 20 milyan oo Kenyan ah ayaa Talaadada u dareeraya goobaha cod bixinta si ay u doortaan hogaamiyayaasha kuraasta kala duwan ee doorashadan.

Tartanka ugu adag ayaa u dhaxeeya hogaamiyayaasha Jubilee iyo Nasa Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ku tartamaya jagada madaxweynaha si lamid ah 2013.

Doorashadii 2013 ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta uu helay 6.1 milyan oo codad ah, halka Mr Odinga uu kaalinta labaad ku galay 5.3 milyan oo codadka doorashada.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isku soo bixiisii u dambeeyay ku qabtay Nakuru,Sabtidii ayaa ugu baaqay Kenyan-ka in nabada ay ilaaliyaan oo ay degenaanshiyo u muujiyaan si lamid ah wakhtigii ololaha.

Raila oo maalinkii shalay wakhti kula qaatay Karen caruurta uu awoowaha u yahay ayaa ugu baaqay Kenyan-ka inay nabad ku joogaan oo si walaatinimo leh kuwada noolaadaan.

Ilaa 900 oo qof ayaa loo siiyay ogolaanshiyaha kor joogteynta doorashada,waxaana ay isugu jiraan Ajaanib iyo deegaanka.Qiyaastii 300 oo saxafiyiin ajaanib ah ayaa iyaguna u jooga dalka tabinta doorashada.

Saraakiisha doorashada ayaa ka helay IEBC qalabkii codbixinta ee guud ahaan Kenya, waxaana gudiga uu diyaar u yahay sida uu sheegay Chebukati in doorasho xor iyo cadaalad ah ay sameeyaan maalinka berri.

BY KEY FM TEAM

 

About Radio Key

Check Also

MDR

Askari ku dhintay weerar Alshabaab ku qaadeen Xarun Boolis oo ku taala Lafey

Hal Askar ayaa ku dhintay, sidoo kalana Labo gawaarida booliska ayaa la gubay kadib markii …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *